Mfbiz.com

Revision as of 13:38, 25 October 2011 by Barecabdi1 (talk | contribs) (barecabdi1)



Barecabdi1 Dowladda oo maanta ciidamo soo dhoobtay wadooyinka Muqdisho iyo amaro adag oo ay maanta soo rogtay? Dowladda Soomaaliya ayaa waxay maanta isgoysyada ugu waaweyn ee magaaladdaMuqdisho ay qaarkood soo dhoobtay ciidamo aad u fara-badan, iyadoo dhinaca kalana soo saartay awaamiir adag. Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa waxay maanta soo dhoobteen Igsoysyada KM4, Zoope, Banaadir, Tarbuunka iyo goobo kale, waxaana halkaasi lagu arkaayay iyagoo si weyn u baaraaya gawaarida dadweynaha. Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo markii uguhoreysay iyagoo si wanaagsan ula dhaqmaaya gawaarida shacabka, ayaa waxay dadka wax ka weydiinayeen goobaha ay ka yimaadeen iyo deegaanada kale ee ay kusii jeedaan. Ciidamadaan oo ay wehlinayaan saraakiil ciidan, ayaa waxay gawaarida dadweynaha udiideen inay istaagaan hareeraha isgoysyada ay maanta soo dhoobteen, waxayna ka digeen in gawaarida ay wadooyinkaasi istaagaan,maanta iyo wixii ka dambeeyaba. Saraakiisha ayaa waxa la-arkaayay iyagoo si weyn u xakameynaaya qaababka ay dhaqmayaan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya, isla-markaana waxay ciidamaddu ay ku boorinayeen inay si wanaagsan darawalada gawaarida ula dhaqmaan. “Maanta Dowladda Soomaaliya waxay magaaladda Muqdisho ka wadaa hawl-gallo ay ammaanka ku sugeyso, waxayna ciidamo badan ay geysay Igsoysyada KM4, Zoope, Banaadir, Tarbuunka iyo kuwo kale,waxay gawaarida u diideen inay istaagaan hareeraha isgoysyadaasi” ayay tiri Canab Cabdi oo ka mid ah wariya-yaasha Shabakadda Warbaahintaee Dhacdo.comee magaaladda Muqdisho, ooiyadu soo aragtay hawl-gallada ay maanta Ciidamadda Dowladda ka wadaan caasimadda. Hadaba tallaabadaan ayaa waxay Dowladda Soomaaliya ku xaqiijineysaa ammaanka magaaladda Muqdisho, waxaana la-sheegay in uu qeyb ka yahay, qorshaha looga hortagaayo qaraxyada kadhan ah Dowladda iyo Amisom. Barecabdi1



Retrieved from "http://aboutus.com/index.php?title=Mfbiz.com&oldid=21541493"