Qalaafe.com Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa maalgeshatay hubka Nukliyarka ee

Qalaafa Caasimada Beesha reer shabeele KU SOO DHAWAAADA DHAMAANTIIN QALAAFE

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa maalgeshatay hubka Nukliyarka ee Pakistan, oo hub ka soo qaadan karto xilliga ay doonto. Sacuudiga ayaa la sheegayaa inay tartan kula jirto Iraan oo iyaduna lagu eedeynayo inay doonayso inay hubka Nukliyarka samaysato, sida ay sheegeen dhowr ilo wareedyo oo la hadlay barnaamijka BBC-da ee Newsnight. Waxaa laga yaabaa in Sacuudiga ay hubka Nukliyarka ka hor heli karaan dowladda Iraan, oo haatan waddo barnaamij Nukliyar ah. Muddo bil ka hor ayaa Amos Yadlin, oo horey madax uga ahaan jiray sirdoonka Isra'iil waxaa uu sheegay, in haddii Iraan ay samaysato hubka Nukliyarka ay Sacuudiguna ka heli karaan Pakistan. Waxaa uu sheegay in qarashka hubka Nukliyarka Pakistan ay Sacuudigu wax ka bixiyeen. Pakistan ayaa ah dalka Muslim-ka ee kaliye ee haysta hubka Nukliyarka. Gantaallada Sacuudiga Sheekada ah in Sacuudiga ay doonayaan in hubka Nukliyarka ay helaan waxay u noqonaysaa toboneeya sano. Sacuudiga waxay soo iibsadeen gantaallo lagu qaadi madaxa hubka Nukliyarka. Dhowr toddobaad ka hor ayaa wargeys ka hadlo arrimhaa difaaca waxaa uu qoray in Sacuudigu soo gabagabeeyeen goob laga hago gantaallo ku wajahan Iraan iyo Isra'iil. Sacuudiga ayaa sidoo kale la sheegayaa inay lacago tiro badan ku bixiyeen barnaamijka Nukliyarka ee Pakistan



Retrieved from "http://aboutus.com/index.php?title=Qalaafe.com&oldid=28087502"